26.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

C/raxmaan Xoosh iyo wasiirkii waxbarashada oo waayay kursigii xildhibaanimo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta doorasho halkaasi ka dhacday ay kuraastooda ku waayeen xildhibaano hore.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil iyo xildhibaan Axmed Guraase ayaa waayay booska xildhibaanada beelahooda, kadib markii siyaasiyiin cusub ay kusoo baxeen.

Doorashada xildhibaanadan oo aheyd mid xiiso gaar ah xambaarsan ayaa waxaa maanta lagu qabtay magaalada Garowe, iyadoo xildhibaanada hore looga guuleystay.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada ka dhaceyso doorashada ay kusoo baxayaan ku dhawaad 9 xildhibaan oo aqalka hoose kamid noqonaya.

Siyaasiin da`ayar ayaa soo baxay, waxaa kamid ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga ee Puntland Daahir Maxamed Muuse oo helay 36, sidaas oo kale waxaa soo baxay Cabdirashiid Daahir Gaboobe, waxayna labadan Siyaasiba ka soo galeen Aqalka Hoose beesha Leelkase.

Maalinta beri ah ayaa qorshaha yahay in maamulka Puntland uu soo idleeyo doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka.

Caasimada online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News