Muqdisho (Caasimada Online)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay dadkii ka dambeeyay dilka wariye Hindiya xaaji Maxamed oo dhamaadka sanadkii lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
Labo ruux oo la sheegay iney qirteen dilka wariye Hindiya ayaa maanta lagu toogtay fagaaraha iskool Baluuziyo, waxaana goobta warbaahinta kula hadlay gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.
Dadkaan oo xukun dil ah lagu riday ayaa maanta lagu fuliyay, waxaana toogtay ciidamo badan oo ka tirsan kuwaasi oo ku sugnaa xarunta Iskuul Baluuziya.
Raggaan Maxkamaddu ay Tooganeyso ayaa kala ah Xasan Nuur Cali Faarax iyo C/risaaq Maxamed Barrow,kuwaas oo dhawaan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ay Dil Toogasho ah ku Xukuntay ka dib markii ay Racfaan qaateen.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa horey sidaan oo kale xukun sanado ah ugu riday dad kale oo lala xiriiriyay Hindiya Xaaji Maxamed qaraxii loogu xiray gaarigeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]