26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Cudurka halista ee ka dilaacay Itoobiya oo laga digay inuu usoo tallaabo Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa maanta soo saaray digniin ku aaddan xanuunka cusub ee ka dillaacay qeybo kamid ah dalka Itoobiya.

Wasaaradda iyo Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaadaan khatarta cudurkaas oo lagu magacaabo Marburg.

Cudurkan oo dilaa ah ayaa waxay wasaaraddu ka digtay inuu Soomaaliya ku imaan karo sababo ay ka mid yihiin xuduudaha dalkq oo furan, gaar ahaan socdaalka xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya awoodda nidaamka caafimaadka xuduudaha bariga oo meesha ka maqan iyo baraaruga bulshada oo hooseeya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliyeed (NIH) ayaa si dhow ula socday xaaladda Cudurka Marburg (MVD), kadib markii Machadka Caafimaadka ee Dowladda Itoobiya iyo Hay’adda Africa CDC ay xaqiijiyeen kiisaska cudurkan oo ka dhacay deegaanka Jinka, gobolka Koonfureed ee Itoobiya.

Xaaladda Soomaaliya

Inkastoo aanan weli wax kiis ah laga diiwaangelin gudaha Soomaaliya, Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya wuxuu qaaday tallaabooyin taxaddar leh, oo ay ka mid yihiin:

  1. La socoshada xaaladaha cudurka.
  2. Diyaarinta qorshaha diyaar-garowga.
  3. Wacyigelinta bulshada si ay uga feejignaadaan khatarta cudurka Marburg (MVD).

Cudurkan ayaa ah cudur halis ah oo aan weli lahayn talaal looga hortago, isla markana isaga gudba qaaradaha iyo xuduudaha dalalka.

Waa maxay cudurka Marburg?

Cudurka Marburg waa xanuun halis ah oo uu keeno fayras la mid ah kan Ebola.

Calaamadaha waxaa ka mid ah:

  • Qandho iyo madax-xanuun daran
  • Lallabbo iyo matag
  • Indho ilmayn, dhiigbax ama diiqad
  • Tabar-darro iyo xaalad degdeg ah oo caafimaad

Sida uu u faafo

Cudurka Marburg wuxuu ku faaafa marka qof caafimaad qaba uu taabto dareere ka yimid jirka qof buka (dhiig, matag, kaadi, saxaro, dhidid, candhuuf) ama taabto dharka iyo agabka uu isticmaalay.

Fayraskan wuxuu sidoo kale ka imaan karaa xayawaanka duurjoogta ah sida daanyeerrada iyo fiidmeerta. Shaqaalaha caafimaadka waa inay xirtaan qalabka ilaalinta si loo yareeyo halista.

Khatarta Soomaaliya

Sida cudurkan ugu imaan karo Soomaaliya waxaa sabab u ah:

  • Socdaalka xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya
  • Ogaanshaha cudurrada oo daahi kara
  • Awoodda nidaamka caafimaadka xuduudaha Bariga oo meesha ka maqan
  • Wacyigelin bulshada oo hooseysa
  • Baraaruga Bulshada oo hooseeya
  • Xuduudaha dalka oo furan

Talooyin muhiim ah

  1. Ka fogaanashada xiriirka tooska ah: Iska ilaali taabashada qof looga shakisan yahay cudurka.
  2. Nadaafadda gacmaha: Gacmaha ku mayr biyo iyo saabuun si joogto ah.
  3. Qalabka badbaadada: Shaqaalaha caafimaadka iyo dadka la macaamila bukaananada waa inay isticmaalaan qalabka ilaalinta (PPE).
  4. Ka fogaanashada xayawaanka duurjoogta: Ha la macaamilin daanyeerrada iyo shimbiraha qaarkood.

Machadka Caafimaadka Qaranka wuxuu bulshada ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar. Wacyigelin, iskaashi iyo raacitaanka tilmaamaha caafimaad ayaa ah furaha ka hortagga faafitaanka Cudurka Marburg gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News