Culimada Somaliland oo war ka soo saaray qorshaha lagu xirayo masaajidyada

Hargeysa (Caasimada Online) – Culimada Somaliland ayaa soo saaray Bayaan ku saabsan qorshihii ay ku diideen Guddigii u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus, kaasi oo ahaa xidhista Masaajida, sida ay xogta ku baahisay Caasimada Online.

Culimada ayaa Bayaanka ay soo saareen ku sheegay in aan lagu deg-degin xidhista Masaajidyada, isla markaana ay dadku Ilaahay isku xidhaan, xaggiisana u noqdaan oo ay toobad keenaan, ogaadaana in wax kastaa ku dhacayaan Qaddarta Alle, iyadoon laga tagayn asbaabta ka hor-tagga.

Sidoo kale culimada oo u muuqda inay tanaasul ka muujinayaan khilaafka kala dhexeeyay Guddiga Somaliland ee ka hortaga Coronavirus, ayaa waxay soo jeediyeen in Dadku ay guryahooda iskaga tukan karaan haddii ay nafahood u cabsadaan, balse ay iyagu xidhayn Masaajidyada.

Bayaanka Culimada oo ka koobnaa 10-qodob, ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in aan la daawan ilaa inta uu cudurku faafayo, balse ay waajib tahay in laga hortago, iyada oo go’aan laga gaarayo diyaaradaha Rakaabka ah ee kasoo daga madaarka Hargeysa.

Culimada ayaa waxay bulshada u soo jeediyeen inay dhamaan iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa cudurkan, loogana dhego-nuglaado talaabooyinka dhakhaatiirta iyo amarada ka soo baxaya guddiga uu Muuse Biixi u magacaabay ka hortaga cudurkan.

Hoos ka aqriso qodobada Bayaanka ay culimada soo saareen oo dhameystiran:

 

1. In Dadku Ilaahay isku xidhaan, xaggiisana u noqdaan oo ay toobad keenaan, ogaadaana in wax kastaa ku dhacayaan Qaddarta Alle, iyadoon laga tagayn asbaabta ka hor-tagga.

2. Inaan la sugin inta cudurku faafayo, isla-markaana si dhakhso ah looga hawl-galo.

3. In la dedajiyo, lana dardar-geliyo baadhista Dadkii looga shakisnaa inuu cudurku haleelay.

4. In la joojiyo dhammaan goobaha lagu kulmo, sida Huteellada, Maqaaxiyaha, Goobaha Qaadka lagu cuno, IWM oo aan lagu deg-degin xidhidda Masaajiddada Alle.

5. In aanay ku waajibin Jamaca Salaadda ee Masaajidka Dadka Xanuunsanaya, Dumarka, Carruurta iyo Dadka Safarka ah isla-markaana ay Guryahooda ku tukan karaan.

6. In Shareecaddeena suuban ay u banaysay Ummadda in Jimcaha iyo Jamaacada laga maqnaan karo, haddii la helo lana xaqiijiyo duruufo adag, sida Xanuunnada faafa, IWM.

7. In la joojiyo qaadka, maaddaama oo uu leeyahay dhammaan sifooyinkii uu ku faafayey Xanuunkan halista ahi, sida Taabashada, kulanka goobihii lagu iibinayey iyo halka lagu cunayaba, sidoo kalena xal loo helo diyaaradaha Rakaabka ee dalka yimaadda.

8. In Dadka oo dhami iska kaashadaan wax kasta oo lagaga hor-tagi karo cudurkan, looga dhego-nuglaado Tallooyinka dhakhaatiirta iyo Amarrada Guddiga heer Qaran ee ka hor-tagga cudurkan.

9. Waxaanu Bulshada reer Somaliland ugu baaqaynaa in wakhtigan adag ay taageeraan kana war hayaan Dadkooda danyarta ah.

10. Waxay culimadu diyaar u yihiin inay ku taageeraan wixii talo iyo Tusaale ah ee ay ugu baahdaan Guddiga ka hor-tagga Coronvirus.