25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Madaxweyne sheegta J/Land oo soo dhoweeyey qodobada shirkii Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Cumar Buraale Axmed oo ka mid ahaa raggii sheegtay madaxweynaha maamulka Jubba, isla markaana ka qaybgalay shirkii Muqdisho ayaa soo dhaweeyay qoddobada ka soo baxay shirkaas.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay in uu ku qanacsan yahay qoddobada ka soo baxay shirka, wuxuuna sheegay isagoo ka mid ahaa raggii la dagaalamay Axmed Madoobe in uu hadda diyaar u yahay in uu taageero qoddobada ka soo baxay shirka.

Cumar Buraale ayaa sidoo kale amaanay hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba, Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in uu yahay nin ay ka go’antahay in uu wax badan u qabto beelaha degga Jubbooyinka sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Cumar Buraale ayaa ka mid ahaa dhinacyadii saxiixay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii dib-u-heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka oo ka socday Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa soo badanaya beelaha dhaliilsan shirkii Muqdisho ka dhacay, waxaana magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ka socda kulamo looga hadlaayo siddii loo saluugsan yahay shirkaas, maadama ay u arkeen in uu ahaa mid lagu naas nuujinaayay dhinacyo gaar ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News