25.3 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

Cumar Cabdirashiid oo diray digniin culus oo ku socota maamul goboleedyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray digniin culus ka dhan ah madaxda maamul-goboleedyada dalka, taas oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka.

Sharmaake ayaa si gaar ah uga digay in maamullada toos loo hoos geeyo doorashada, isaga oo sheegay haddii loo gacan geliyo  in dalka ay gelin doonaan xaalad ka sii xun tii doorashadii hore.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqa in weli ay joogaan madaxdii maamul-goboleedyada ee boobay kuraastii xildhibaannada, haddana ay ka digayaan in mar kale loo ogolaado in iyagu ay faragelin ku yeeshaan jiheynta doorashada dalka.

“Waxaa lagu hoogi doono waa in mar kale la siiyo dowlad-goboleedyada awood ay ku maamulaan doorashada. Xitaa haddii la dhaho tirada dadka hala kordhiyo ama State-yada ha loo dhiibo maamulka doorashada, natiijadu kama duwanaan doonto tii hore. Waa in la sameeyaa guddi madax bannaan oo qaran, oo aan Dowlad Goboleedyadu wax gacan ah ku lahayn,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ku taliyay in meesha laga saaro guddiyada is barbar socday ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ee doorashada, wuxuuna soo jeediyay in kaliya guddiga qaran ee hadda jira uu mgacaabo shaqaale u maamulaya doorashooyinka ka dhacaya gobollada dalka.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in dowladda dhexe ay awood buuxda siiso guddiga qaran ee heer federaal ee doorashooyinka dalka, si ay iyaga u maamulaan doorashada xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay dood adag ka taagan tahay qabsoomidda doorashooyinka maamullada oo aad uga daahay xilligooda, waxaase qorshuhu yahay in dhammaadka sanadkan ama bilowga sanadka cusub la guda galo doorashooyinkaas oo si isku mid ah uga dhici doono maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Guud ahaan doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan ismari-waa, iyada oo ay jirto dood culus oo u dhexeyso mucaaradka iyo Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News