Muqdisho (Caasimada Online) – Cigaal Cabdi Rooble oo kamid ah Odayaasha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dhaliilay Siyaasada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxa uuna ku eedeeyay in CCC uusan ku socon Siyaasadihii ay adeegsan jireen Ra’isul wasaarayaashii isaga ka horeeyay.
Waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha aysan ka go’ in talo islamarkaana uu yahay Mas’uul ku shaqeynaayo amarada Madaxweyne Xassan, Faarax c/qaadir iyo C/kariin guulleed, sida uu hadalka u dhigay.
Cigaal ayaa waxa uu sidoo kale, sheegay in Golaha wasiirada cusub uusan Ra’isul wasaaraha ku laheyn wax talo ah, balse ay soo xulayaan Madaxweyne Xassan iyo Siyaasiyiinta ku dhow dhow, isagoona taasi ku micneeyay mid lagu kala geynaayo Siyaasiyiinta iyo Beelaha soomaaliyeed oo gaaray heer aan Odayaashooda lagala tashan Mas’uulka u matali lahaa Golaha Wasiirada.
Mar wax laga weydiiyay Miisaanka uu Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ku dhex leeyahay Siyaasada dalka, ayaa waxa uu sheegay in CCC uusan laheyn wax siyaasad ah, isagoona cadeeyay inuu dambiyo kala duwan ka galay dalka Somalia.
Waxa uu Madaxweyne Xassan iyo Siyaasiyiinta ku xiran uga digay inay faragalin ku sameeyaan dhaqanka u yaala Beelaha Soomaaliyeed oo aysan la imaan shaqsiga ay iyaga u arkaan inuu u qalmo xubinta Beeshiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

