26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

C/wali Gaas iyo Gallan oo fashil kadib xaqiiqda kawada hadlaaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa goordhow gaaray magaalada Carmo ee gobolka Bari, halkaasi oo uu ku sugan yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Gallan oo ku sugan Degmadaasi.

Safarka Madaxweyne Gaas ee deegaanka Carmo ayaa salka ku haya wadahadal halkaasi uga furmi doona isaga iyo C/samad Gallan, waxaana wadahadalkaasi goobjoog ka ah Odayaal kasoo kala jeeda Beelaha Gaas iyo Gallan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka, waxaana ay ka wada hadli doonaan xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Madaxweynaha Puntland iyo C/samad Gallan.

C/samad Gallan, ayaa dhowr jeer diiday inuu wadahadal la furo Madaxweynaha Puntland, balse fashil farabadan kadib waxaa leysku afgartay in labada mas’uul leysku geeyo.

Beesha Cali Saleebaan oo uu kasoo jeedo Gallan iyo maamulka Puntland ayaa maalmo ka hor heshiis ku gaaray in khilaafkaas kasoo afmeero, islamarkaasina miiska wada hadalka lasoo fariisiyo C/wali Gaas iyo C/samad Gallan.

Saacadaha nagu soo aadan ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyne Gaas iyo Gallan ay kulankooda kasoo saaran Natiijo, waxaana loo badinayaa in Kulanka uu guul kusoo dhammaan doono.

Docda kale, Shacabka Puntland ayaa dhagta u raaricinaaya waxa kasoo bixi doona kulanka C/wali Gaas iyo Gallan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News