Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu waxbadan ka bedeli doono howlaha la xiriira shaqooyinka maamulka.
Hogaamiyaha ayaa sheegay inuu qirsan yahay in maamulka Puntland uu aad ugu fogaaday arrimaha ku aadan qabiilka oo uu sheegay in hoos u dhac buuran uu u keenay Siyaasada maamulka.
Gaas waxa uu sheegay inay qaadi doonaan talaabooyin ay ku yareen doonaan qabiilka, waxa uuna cadeeyay in dadka ku nool deegaanada maamulka ay si fog u aamineen qabyaalada iyo wixii la halmaala.
C/wali Gaas, waxa uu sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka iyo dagaalada ka dhaca deegaanada maamulka ay sabab u tahay qabiilka isla markaana xiligaan wixii ka dambeeya ay rajeynayaan in Puntland ay ka guudbto una gudubto hab deegaanka.
Waxa uu Gaas sheegay inay garwaaqsadeen in Puntland ay hoos uga sii dhacday halkii ay horay u taagneyd, waxa uuna cadeeyay in taa ay sabab u tahay dadka deegaanka oo kaalinta koowaad ka dhigay barnaamijka qabiilka.
”Puntland waxa ay go’aansatay inay ka gudubto waxyaabaha qabaliga ah, waxaan u gudbeynaa barnaamijka hab deegaanka, waayo waxaan eersaneynaa dhibaato uu noo geystay qabiilka”
Dhinaca kale, C/wali Gaas, ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay ka gudbaan waxyaabaha hoos u dhigay Puntland oo ay kamid tahay qabiilka, waxa uuna cadeeyay in wixii hadda ka danbeeya aysan ku shaqeyn doonin qabiilka.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]