28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Gaas oo Muqdisho yimid iyo xildhibaanada reer Puntland oo la cadaadinayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho soo gaaray Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas iyo Xubno ka tirsan labadiisa Gole.

Hogaamiyaha Maamulka Puntland ayaa magaalada Muqdisho ku nagaan doona ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso Doorashada Madaxweynaha, waxa uuna kamid yahay Hogaamiyayaasha indha indheyn doonta Doorashada.

Hogaamiye Gaas ayaa inta ka harsan Doorashada magaalada Muqdisho kulan kula qaadan doona Xildhibaanada Baarlamaanka qeybta lagu soo doortay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

C/wali Gaas ayaa Xildhibaanada ku adkeyn doona cida ay dooranayaan, waxa uuna dhiiragalin u sameyn doonaa Xildhibaanada si ay usoo saaraan cida uu xilka la doonaayo, oo loo badinayo inuu yahay ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho laga sugayaa Hogaamiyayaasha maamulada kale kuwaa oo la doonaayo inay goobjoog ka ahaadan Doorashada isla markaana ay kulamo dardaaran ah la qaataan Xildhibaanada.

Dhinaca kale, Musharaxiinta Madaxweynima doonka ah, ayaa aad uga soo horjeeda in Hogaamiyayaasha Gobolada ay gacan ku yeeshaan Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News