Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa si carro leh uga hadlay wararka sheegaya in Dowlada Imaaraadka ay Saldhig militeri ka furaneyso deegaanada Puntland.
Gaas, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan la socon cida Imaaraadka ay la gashay heshiiskaasi, waxa uuna tilmaamay in isaga uusan aheyn mid la socda arrinkaasi isla markaana mudan in wax laga weydiiyo dadka faafiyay hadalkaasi.
Waxa uu Gaas sheegay in Puntland ay mowqif adag ka taagan tahay in Imaaraadka uu Saldhig ka furto deegaanada Puntland waxa uuna arrin aad loola yaabo ku sheegay hadalkaasi.
Gaas ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been Abuur ah , isla markaana aysan dhici karin in Imaaraadka Carabta ay Saldhiga ka dhisato Magaalada Boosaaso.
”Waxaan xaqiijinayaa in been abuur uu yahay warka sheegaya in Imaaraadka uu Saldhig ka dhisanaayo deegaanada Puntland taasi ma dhicin mana dhici doonto”
Waxa uu tilmaamay in Imaaraadka Carabta ay dhinacyo badan ay ka taageerto Puntland, waxaana ka mid ah tababarida ciidanka Badda Puntland.
”Imaaraadka waa sax waxa uu naga caawiyaa dhinacyo badan sida tababarada laakiin arrinku kuma jira in Saldhig ay ka furanayaan deegaanada Puntland mana suuroobeyso”
Haddalka C/wali Gaas ayaa kusoo beegmaaya xili gudaha Asbuucaani lagu wado inuu booqdo magaalada Abu Dabai halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dalkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]