Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay muujisay dulqaad maadaama muddo bil kabadan ay ku dagaalamayeen Ciidamada labada maamul Puntland iyo Galmudug.
Gaas waxa uu sheegay in ahmiyada ugu weyn ay tahay in la joojiyo Dagaalka dhiiga farahabadan uu ku gaatay waxa uuna meesha ka saaray in dagaalka uu yahay mashruuc.
Galmudug ayuu sheegay in looga baahan yahay inay xakameyso Ciidamada ka jooga furunta dagaalka waxa uuna ku celceliyay in dagaalka ay mar waliba bilaaban Ciidamada Galmudug.
Waxa uu sheegay inay jiraan ciidamo ka macaashaaya sii socoshada dagaalka kuwaasi oo uu sheegay in rasaasta ay marba dhinac u ridayaan si dagaalka uu u bilowdo.
Sidoo kale, Puntland ayuu sheegay inay diyaar u tahay joojinta dagaalka waxa uuna Galmudug ka dalbaday in dhinaceeda ay ka joojiso dagaalka.
Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya iyadoo maanta lagu wado in magaalada Gaalkacyo uu ka dhaco kulan lagu xalinaayo colaada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo

