Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay Doorashooyinka ka dhacay dalka iyo kuwa la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan dalka.
C/wali Gaas, waxa uu sheegay in Doorashooyinka Xildhibaanada ee dhacay ay ahaayen kuwo kusoo dhamaaday habkii loogu tallo galay, halka kuwa harsan ee Guddoonka BFS iyo tan Madaxweynuhuna ay noqon doonaan kuwo ku dhaca sida loogu tallo galay.
Gaas waxa uu sheegay in nasiib darro dhamaanteeda ay dhici doonto goortii ay Xildhibaanadu mas’uuliyadooda u adeegsadaan qaadashada laaluush iyo wax waliba oo hoos u dhigi kara miisaanka ay ku dhex leeyihiin Siyaasada.
Gaas oo hadalkaani ka sheegay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa waxa uu sidoo kale Xildhibaanada uga digay in dalka ay u gacan galiyaan Madaxweyne magacraadis ah oo Somalia dib ugu celin doona dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.
”Anigu waxba qarin maayo Xildhibaanaduna waan u sheegaa hanaga daayan Musharaxiinta qaar oo si indha la’aan ah ay u dooran doonaan, waxaan la socnaa Xildhibaan waliba cida uu u ololeynaayo yaan sharafka leyska qaadi adeer”
Gaas waxa uu sidoo kale Xildhibaanada qaar ku tilmaamay kuwo aan laheyn dareen danqasho, kadib markii uu farta ku goday inay u hanqal-taagayaan uruursiga dhaqaale balse aysan ka shaqeyneynin in dalka uu hagaago.
Gaas waxa uu mar kale ku celiyay in Xildhibaanada labada Aqal uu ugu baaqayo inay soo doortaan Madax Soomaaliyeed, oo wanaagsan, si dalka looga saaro xaalada mugdiga ah ee uu hada ku jiro.
Dhinaca kale, waxa uu guul ku tilmaamay hanaanka ay ku socto Doorashada dalka, waxa uuna rajo ka muujiyay in dalka uu ku xasili doono Madaxweynaha cusub ee imaan doona.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]