Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirka Madaxda Afrika ee Tana Forum ee sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Bahar dahar ee dalkaasi.
Gaas oo Garoonka diyaaradaha ee Konooko kula hadlay Bahda Saxaafadda ayaa sheegay in Shirkaasi uu qeyb ka yahay waxa uuna tilmaamay in halkaasi uu uga hadli doono arrimaha amaanka Maamulka.
Gaas waxa uu sheegay inuu Casuumaad ka helay Dowlada Ethiopia, sidaana uu uga qeybgali doono Shirka oo uu sheegay in Puntland ay ahmiyad u leedahay.
Maamulka Puntland ayaa kamid ah Maamulada hoostaga DFS, waxaana shirkaasi Dowlada Federaalka u matalaaya Madaxweynaha Qaranka, xili Shirkaasi uu yahay mid heer Dowlad ah oo ay ka qeybgalayaan Madaxda Africa.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA