Cabdi Weli Gaas oo amar cajiib ah kusoo rogay golaha wasiirada Puntland?

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/Weli Gaas ayaa amar kusoo rogay Golaha Wasiirada maamulka Puntland kadib hadal heynta arrinta Sargaalka ONLF Qalbi Dhagax.

C/weli Gaas ayaa Wasiirada maamulka ku amray in ay faraha kala baxaan arrimaha khuseeya Qalbi Dhagax, isla markaana aysan ka hadli karin.

Waxa uu Gaas sheegay in maamulka uu tallaabo ka qaadi doono Wasiirkii faragaliyaa howl aanu khuseyn waxa uuna taa bedelkeeda ku baaqay in arrimaha Qalbi Dhagax loo daayo dowlada Federaalka.

Waxa uu sidoo kale ku taliyay in Wasiirada maamulka ay ku ekaadan shaqooyinka loo igmaday si ay u sara qaadan howlaha maamulka.

Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xilka ka qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.

Wasiirkaan xilka laga qaaday ayaa Wareysi uu siiyay Idaacada VOA, wuxuu kaga hadlay arrimaha ku aadan Kiiska Qalbi Dhagax oo uu taageeri u muujiyay.

Wasiiru dowlaha shaqada laga ceyriyey Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan ayaa kusifeeyey go’aankii ay qaadatay Xukuumadda Xasan Cali Kheyre mid sax ah.

Geesta kale, Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland oo fulinaaya amarka C/weli Gaas ayaa Wasiirada u sheegay inay mamnuuc tahay in laga hadlo arrinta Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com