Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa ka hadlay xiisada maamul Goboleedyada kala dhexeysa dowlada Federaalka ah ee Somalia.
C/weli Gaas, ayaa sheegay in maamul Goboleedyada iyo dowlada Federaalka ay leeyihiin xad kala qeybiya, balse waxa uu arrin muhiim ah ku sheegay in maamulada ay is difaacan.
Gaas, waxa uu tilmaamay in Hogaamiyayaasha maamulada ay ku saxan yihiin inay ka shaqeeyan mas’uuliyada ka saaran maamulka, waxa uuna cadeeyay in dowlada Federaalka xiliyada qaar aysan kawarqabin waxyaabaha ka jira Gobolada.
”Maamulada wey ku saxan yihiin inay ka hortagaan waxyaabaha qaar ee aan danta u aheyn, waxaan oran lahaa dowlada ha sameyso la tashiyo ka hor inta aysan sameyn faragalin”
Gaas oo ku sugan magaalada Kismaayo, ayaa madaxda ugu sareysa dalka ugu baaqay inay fursado siiyaan maamul Goboleedyada waxa uuna ka digay xad gudub.
Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiye C/weli Gaas ayaa ka feejigan carqalad Siyaasadeed oo maamulkiisa kaga imaada dhanka dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com