C/Weli Gaas oo xabsiga ku shubay xubno mucaarad ku ahaa + Magacyada

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta oo Jimce ah xabsiga u taxaabay afar xubnood oo kamid ahaa madal isugu yeertay bad-baadinta Puntland, taasoo muddooyinkii u dambaysay warbaahinta marinaysay dhaliilo ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Afar xubnood oo hormuud u ahaa madasha ayaa la dhigay saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe iyadoo amarka la sheegay inay bixiyeen guddiga nabad galyada gobolka Nugaal.

Xubnaha la xiray ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo soo noqday Agaasimaha hay’adda Puntland u qaabilsan cudurka Aids-ka, Siyaasi Daahir Ciiro oo isna mar kasoo mid noqday Barlamankii KMG ahaa dalka Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato Iyo Faysal Faarax Cali.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin sababta raggaas loo xiray, waxaase la sheegayaa inuu amarka bixiyey madaxweyne Gaas.

Arrintan waxaa xaqiijiyay taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe Fardafuul.

Balse xubnahan oo 10-kii bishan shir saxaafadeed ku qabsaday Garoowe ayaa dhaliilay shirkii Kismaaayo lagu qabtay iyo khilaafka ka dhashay wadamada Khaliijka iyagoo tilmaamay in Madaxda maamul goboleedyadu ay ku khaldanyihiin waxyaabaha ay ka shireen.

Maaha markii ugu horaysay oo caasumadda Puntland lagu xiro xubno mucaarad ah.

Isha: GO

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com