28 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee BF oo la doortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia kusoo idlaaday Doorashada Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka Somalia.

Doorashada oo aheyd mid xiisa badan ayaa waxa ay Xildhibaanadu Codadka ugu badan siiyeen Xildhibaan Xildhibaan Cabdweli Sheekh Muudey oo noqon doona Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dalka.

Doorashada oo ay ku loolamayeen 6 Musharax ayaa waxa ay Xildhibaanadu Doorteen Xildhibaan C/weli Sheekh Ibraahim Muudey oo helay 163 cod, Halka Faarax C/qaadir uu ka helay 93 Cod.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale, doortay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka kaa oo loo doortay Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo isna helay Codadka ugu badan marka la eego Xildhibaanada codeynaayay.

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa helay codad gaaraya 169-cod, halka Musharax Xildhibaan C/Qaadir Bagdaadi uu isna helay 85-cod.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inay guuleysteen labada Xildhibaan, waxa ayna qireen in Musharaxiinta kale looga itaal roonaaday Doorashada.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in Musharaxiinta kale ay ku qanci doonaan qaabka ay u dhacday Doorashada, isla markaana looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka.

Dhinaca kale, Doorashadaani ayaa in badan ka duwan kuwii hore, waxa ayna tani muujineysaa in Doorashada Madaxweynaha ay mari doonto isla wadadaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News