Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in deegaanno horay looga saaray Daacish, kana tirsan gobolkaasi, gaar ahaan aagga Calmiskaad mar kale dib loogu arkay kooxda, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni.
Maleeshiyada kooxda ayaa si dhuumaaleysi ah kusoo galay agagaarka togga Jacayl oo ay horay howlgallo culus kula wareegeen ciidamada difaaca ee maamulka Puntland.
Saraakiisha bixiyay xogtan ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha kooxda Daacish ee deegaannadaas kusoo laabteen, iyagoo gabbaad ka dhiganaya dadka reer guuraaga ah ee kusoo guryo noqday goobihii horay looga saaray kooxda ee buuraha gobolka Bari.
Dhinaca kale, Puntland oo arrintan ka war-heshay ayaa isla markii qaaday tallaabo deg-deg ah, iyada oo kaashaneyso saaxibada caalamiga ah, waxayna si wadajir ah u fuliyeen howlgal culus.
Howlgalka oo ay duqeymo barbar socdeen ayaa lasoo wariyay in xalay, illaa saaka laga fuliyay deegaannada lagu arkay maleeshiyada kooxda Daacish, iyada oo lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Deegaannada ay howlgallada iyo duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah Gacan Cad, Shilalay, Suradka, Aroorka Daylaan oo dhammaan ka agdhaw Ceelasha Dhaban-caddo iyo Il, halkaas oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen argagixisada.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgallada iyo duqeymaha ka dhacay halkaasi.
Shalay ayay aheyd markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in iyada oo kaashaneyso Mareykanka ay duqeyn culus ay ku beegsaday kooxda Daacish, taas oo ka dhacday qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen maleesshiyaadka Daacish,iyada oo sheegtay in xubno badan oo Daacish ah lagu laayay, laguna dhaawacay kuwa kale.
“Subixii hore annaga oo kaashaneyno taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, waxaan duqeymo ka fulinay Puntland, goob ay ku sugnaayeen Daacish, khasaare ayaa ka dhashay weerarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.
Daacish ayaa weli dhaq-dhaqaaq ka wadda buuraha Calmiskaad, waxayna ahayd dhowaan markii laga hortegay weerar is-miidaamin ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa aagga aagga Ceelka GuryoSamo oo aad ugu dhow deegaanka Dhasaan, iyada oo dhammaan la dilay xubnaha soo qaaday.