DAACISH oo sheegatay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qarax shalay ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS.

Daacish ayaa shaacisay in ay iyado mas’uul ka tahay qaraxaasi, ayna fuliyeen dagaalyahno ka tirsan kuweeda oo ka howlgala magaalada Muqdisho.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegatay inay burburisay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidamada ATMIS ee la qarxiyey, balse ma shaacin xogta khasaaraha gaaray ciidamada.

Kolonyada ATMIS ee qaraxa lagula eegtay Cali Kamiim ayaa dhankooda riday rasaas, waxayna kadib sii wateen socdaalkooda, illaa & haddana ma jiro hadal  kasoo baxay.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa ammaanka caasimada wuxuu ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana ka dhacayey dilal, dhac iyo dhibaato ay geysanayaan ciyaal weero.

Si kastaba, kooxda Daacish oo ku xoogan dhinaca buuraha gobolka Bari ee Puntland ayaa mararka qaar howlgallo ka fulisa magaalada Muqdisho, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo.