Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo qaraxyo ku bilowday oo ay xalay kooxda Daacish ay ku qaaday saldhig ciidamada difaaca Puntland ay ku leeyihiin aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga Ceelka GuryoSamo oo aad ugu dhow deegaanka Dhasaan, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka ammaanka Puntland ayaa sheegay in qaar kamid ah ragga weerarka soo qaaday ay isku qarxiyeen bannaanka xerada, halka kuwa kalena ay toogteen ciidamada ammaanka, inta uu socday dagaalka, lana fashiliyay weerarkooda.
Illaa 10 nin ayaa lasoo wariyay inay dagaalka soo qaadeen, kuwaas oo qaarkood ay fuliyeen qaraxyo is miidaamin ah, halka kuwii kalena dhammaantood la laayay.
“Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigay markii waagu baryo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in dhankooda uu uga dhaawacmay hal askari, uuna fududyahay dhaawaciisa, sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maydad badan oo ka carareen Daacish ay daadsan yihiin aagga lagu dagaalamay, isla markaana jab culus lagu gaarsiiyay dagaalkii xalay ka dhacay aagga deegaanka Dhasaan ee gobolka Bari.
“Maydadka Argagixisada Daacish oo saaka gorofsan Dhasaan Sarre, waa halkii Xalay Ciidanku uu ku xasuuqay Argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada Puntland ay haatan howlgallo sifeyn ah ay ka wadaan qaybo badan oo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Horay sidaan oo kale Puntland ayaa uga hortegtay weerar is-miidaamin ah oo ay soo abaabushay kooxda Daacish, kaas oo ay la damacsaneyd ciidamadii la wareegay Togga Miraale, waxaana la fashiliyay weerarkaas,, iyada oo la laayay xubnihii abaabulayay/
Ciidamada oo xiligaas ka war helay abaabulka weerarka ayaa cagta mariyay koox ka tirsan Daacish oo dooneysay inay qaadaan weeraro gaadmo ah.
Marka loo eego wararka ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo wariyay in haatan uu soo gabagoobay, waxaana kadib xigay wajia afaraad oo ay qorshihiisu dajineyso dowlad goboleedka Puntland.