25.4 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Daawo: Murusade oo DF ku eedeeyay inay ka burburisay maqaar ku kacaya $6 milyan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacstada beesha Murusade ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay inay ka burburisay maqaar ku kacaya hanti gaareysa 6 milyan oo dollar.

Maqaarkan oo ah kan xoolaha ayay ganacsatada u dhoofin jireen dalka dibaddiisa, waxayna sheegeen in gebi ahaanba xarumihii maqaarka ay burburiyeen ciidamada dowladda.

Ganacsatada dhoofisa maqaarka iyo odayaasha dhaqanka beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay arrintaan ku tilmaameen “beegsi beeleed iyo curyaamin dhaqaale” sida ay hadalka u dhigeen.

“Haddii dowladnimada loo sinayn, maalin walba waxaa ku jirayna in nin ciilqabo waddanka qabsado, ka aarsado umadda kale,” ayuu yiri mid kamid nabadoonada beesha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayay ka dalbadeen inuu magdhaw ka bixiyo dhibaatada ay dowladdiisu geysatay, taasi oo ay ku cayroobeen qaar kamid ah ganacsatada beesha Murusade ee ka ganacsada dhoofinta maqaarka xoolaha.

“Madaxweynow anaga saaka waxaan leenahay dadka halkaan fadhiya ee Murusade oo aad taqaan waxay ku leeyihiin Madaxweyne waxaan rabnaa in dhibtii ku dhacday ganacsatadeena magdhowgeedii bixiso ayaa rabnaa,” ayuu sidoo kale yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka beesha oo la hadlay warbaahinta.

Maqaarka la burburiyay ayaa ku jiray xarumo keyd oo ganacsatadu ku laheyd magaalada Muqdisho. Maqaarkan ayaa la keydinayay in muddo ah, waxaana ku baxay kharash aad u badan, sida ay sheegeen ganacsatada, iyadoo hantidaasi lagu qiyaasay illaa 6 milyan oo dollar.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka socday howl-galka qasabka ah ee dowladda ku baneynayso dhulka danta-guud, kuwaas oo laga deyrinayo hanaanka ay kula wareegayso dowladdu.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News