Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, oo ka soo jawaabay hadalkii uu shalay heediyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa farriin u diray siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ka dalbaday in madax-banaanida Somaliland ay taageeraan.
Madaxweyne Cirro, ayaa yiri “Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee garowsaday in Somaliland ay wax weyn qabsatay, xaqna u leedahay madax-banaanideeda, kuwaas oo Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble uu ugu horeeyo.”
Sidoo kale, Cirro wuxuu darriin u diray siyaasiyiinta kale, wuxuuna yiri, “Siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ee ka xun wax qabsiga Somaliland, ictiraafkeeda iyo nabadeeda, ee dhahaya waxaan u adeegsaneynaa Al-Shabaab, waxaan leenahay kuwiina sida wanaagsan u fekeraya ku dayda.”
Cabdiraxmaan Cirro, oo u maahmaahay siyaasiyiinta cadaawadda u qaba Somaliland ee koonfurta jooga ayaa yiri, “Waxaan idin leenahay bahalka Waraabaha ayey Soomaalidu tiraahdaa ‘ulna lala gaari waa, af-xumana waxba looga tari waa.”
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Xasan Sheekh eedeymo kala duwan u jeediyey ayaa yiri, “Waad u jeedaan xaalka Somaliland maanta meesha uu marayo, walaalaheen shalay iyaga ayaa calanka iyo midnimada keenay, laakiin maanta waxay la’yihiin cid tabashadooda kala fariisata, taas bedelkeeda waxaa loogu hanjabayaa in la burburi doono.”
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa intaas ku sii daray, “Waa la socotaan burburka iyo caqabadaha lagu jaayo Somaliland, laakiin anaga raali kama nihin madaxweynahana waan u sheegnay.”
Maxamed Xuseen Rooble, intii uu ra’iisul wasaaraha ahaa waxaa lagu xusuustaa in Somaliland uu u fasaxay lacag ka badan 11 milyan oo doolar oo Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay ka xanibeen, taas oo ku jirtay qasnadda dowladda federaalka.
Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi, oo u jawaabay Ra’iisul Wasaare hore Rooble, ayaa la yaab ku yilmaamay in siyaasigaasi uu taageeray gooni isku taagga Somaliland.
Hoos ka daawo Cirro