Lusaka (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Prof. Abdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Caasimadda ah ee wadanka Zambia ee Lusaka.
Gaas oo iminka ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Puntland, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Kenneth Kaunda ee Magaalada Caasimadda ah ee Lusaka, waxaana ku soo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Zambia Ambasador Maxamed Xassan Dawaara, Masuuliyiinta Jaaliyada iyo waliba Madax sare iyo Saraakiil ka socota Wasaarada Arrimaha Dibada ee Zambia.
Mudada uu joogo waxa uu kalamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Sare ee waddanka Zambia iyo waliba Jaaliyadda, waxa uuna booqan doonaa Magaalada Ndola oo ah Magaala madaxda 2-aad ee wadanka Zambia.
Haddaba Gaas ayaa ka warramay sababta uu jooga dalka Zambia.
Halkan ka daawo Wareysi
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]