Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo.
Xildhibaanada oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in amarka looga hor istaagay safarkoodii Kismaayo ay bixiyeen Madaxweyne Xasan iyo Ra’iirul Wasaare Xamsa, sida ay ka soo xigteen saraakiisha amniga ee ku sugan garoonka Aadan Cadde.
Xildhibaan Cabdirashiid Jire ayaa ugu horeyn sheegay in Xasan Sheekh oo ciil qaba uu xukunka qabsaday, isla markaana uu ku jiro aar-gudasho, sida uu hadalka u dhigay.
“Xasan isaga ayaa la kulmi jiray caqabadahaan, sidii oo kale inui sameeyo waa aar-gudasho, saakay ayaan tagnay garoonka, maqribkii ayaan ka soo tagnay, berina waan ku laaba doonaa, si aan u jebino xayiraada saaran Jubbaland, xoog ayaan xayiraada uga qaadi doonaa shacabka Jubbaland,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jire oo laga soo doorto Jubbaland.
Dhankiisa Xildhibaan Cumar Qalad-diid ayaa weerar culus ku qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa, isagoo sheegay in beeshii uu metelay ee Daarood loo adeegsanayo, si uu u dulmiyo, isagoo tusaale u soo qaatay cunaqabateynta Jubbaland iyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.
“Qofkii Daarood ah oo doonaya in Xamsa Barre uu barto ha fiiriyo cunaqabateynta la saaray Jubbaland iyo sida loola dhaqmayo Puntland, shalay xafladii ciidanka Asluubta wuxuu ka sheegay in Jubbaland aysan cunaqabateyn saareyn, anagoo xildhibaano ah oo xasaanad leh ayaa naloo diiday inaan tagno deegaankeenii, maxaad u maleyneysaa qof shacab ah?” Ayuu yiri Xildhibaan Cumar Qalad-diid.
Xildhibaanadaan ayaa ku goodiyey in Jubbaland aysan sii saaraa doonin cunaqabateynta, iyagoo ka sheekeeyey dhibaatadii maanta ku qabsatay garoonka Aadan Cadde iyo qaabkii looga hor istaagay safarka.
“Dadka reer Jubbaland waxaa garoonka looga furtay qol lagu fatasho oo lagu bahdilo, dadkeenu ma istaahilaan in sidaas loola dhaqmo, Xasan Sheekh cadaawada uu u qabo Jubbaland waa tii geysay Raaskambooni, isagoo duulaan ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Qalad-diid.
Waxay sheegeen in Baarlamaanka ay gey doonaan wixii ku qabsaday garoonka Aadan Cadde iyo sababta looga hor istaagay safarkii ay xaqa u lahaayeen ee Kismaayo ay ku tegi lahaayeen.
Xildhibaanada ayaa u mahadceliyey ciidanka amniga garoonka oo u sheegay in xafiisyada sare amar laga soo siiyey, sida ay sheegeenna si fiican ula dhaqmay, intii ay ku xayiraayeen garoonka.
Hoos ka daawo Xildhibaan hadlay