Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgal culus oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullahi Xasan Cabdi Cosoble (Cabdullahi Wadaad), isla markaana ay ku raad-joogtay dowladdu.
Fiqi ayaa sheegay in hoggaamiyahan oo halis badnaa lagu dilay weerar ay qaadeen ciidanka NISA iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo dhawaan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo lagu beegsaday goob uu ku dhumaaleysanayay, kadib xog ay ciidamadu ka heleen, kadibna duqeeyeen.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah waxay fulisay howlgal qorsheysan oo barakeysan oo guul ku dhamaaday kaas oo lagu dilay horjooge sare Cabdullahi Xasan Cabdi Cosoble (Cabdullahi Wadaad). Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Kunyabarrow dabaaqayadii bishaan
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Horjooguhu wuxuu ku sugnaa goob uu u maleynayay inuu ku nabad-gelayo halkaas oo lagu beegsaday weerar si gaar ah loogu bartilmaameedsaday”.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in horjooge Cabdullahi Wadaad uu kooxda u qaabilsanaa Zakawaatka iyo arrimaha gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu kasoo jeedo.
“Cabdullahi Wadaad wuxuu ahaa mas’uulka Maktabka Zakawaatka loogu magac daray ee Khawaarijta u qaabisan Shabeellaha Dhexe, isla markaana wuxuu ahaa isku xiraha beelaha daga Shabeellaha Dhexe iyo hoggaamiyaha kooxda Khawaarijta Axmed Diiriye” ayuu mar kale yiri Wasiirka Difaaca.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in horjoogahan uu ku lug lahaa dilal loo gaystay ganacsato, qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo beegsiga goobo ganacsi oo ku yaalla caasimada.
Nnkan oo ay mid raadineysay Hay’adda NISA ayaa aad u dhibay shacabka Muqdisho, gaar ahaan ganacsatada, waxaana ugu dambeyn lagu beegsaday deegaankii uu ku dhumaaleysanayay Kunyabarow ee Shabeellaha Hoose.

