Daawo: Dowladda oo soo bandhigtay ciidamo kale oo ka soo goostay Jubaland

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsanaa Jubbaland oo ku sugan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sida laga sheegay kulan lagusoo bandhigay  ciidamadan.

Taliyaha guutada 10-aad, qeybteeda 43aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baladxaawo oo ciidamada la hadlay ayaa u sheegay in maanta laga bilaabo xaquuqdooda ay ku leeyihiin dowladda Federaalka, iyagoona sheegay in la qabalayndoono

Dhinaca kale, maamulka Jubbaland ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan maamulkooda ay ku biireen dowladda. Wasiirka amniga Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa sheegay in ciidamada dowladdu soo bandhigtay ay yihiin maleyshiyo beeleed iyo askartii lagusoo tababaray Eritrea oo dowladda markii hore kasoo cararay.

“Waxaan si cad u beeninayaa in aysan jirin ciidamo ka tirsan dowlada Jubbaland oo daraawiish ah oo ku sugan Baladxawo arintaas oo ah mid lagu qaldayo dowlada fedraalka  iyo shacabka reer Gedo, ciidamo Jubbaland oo daraawiish ah waxaa u dambeesay kuwii uu dowlada federaalka ku wareejiyay wasiirkii hore ee amniga jubbaland, Cabdirashid Xasan Cabdinuur,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Dhuumaal.

“Hadaba, saraakiisha dowladda ee kusugan gobolka Gedo ee fashilan ee cidanka nabadsugida, booliska iyo maleshiyaad ku soo uruuriyay haddana  dhahayo waa ciidamo Jubbaland ah oo ay rabaan in ay ku qaldaan shacabka reer Gedo, waxaan wargelinaa dadka reer Gedo in arintaasi aynan wax ka jirin.”

Jeneraal Dhuumaal ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay abaabulayso maleeshiyaad iyo saraakiil ciidan oo horey uga tirsanaa ciidamada Jubbaland, kuwaas oo loo adeegsanayo sida uu sheegay in lagu dumiyo Jubbaland.