Daawo: DF Somalia oo hal arrin ka codsatay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa fariin u diray kooxda Al-Shabaab, isagoo ka dalbaday inay u damqadaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanada ay joogaan ku wajahaya xaaladaha adag.

Fiqi ayaa Al-Shabaab toos uga dalbaday inay ka wareegaan gargaarka loo wado dadka ku nool deegaanada ay ka joogaan gobollada dalka, si loo badbaadiyo nolosha dadkaas.

“Al-Shabaab waxaan ugu baaqayaa in aysan carqaladeyn deeqaha oo deegaanada gacantooda ku imtixaanan dadka ku dhibaateysan aysan gargaarka ka hor istaagin,” ayuu yiri Fiqi.

Wuxuu ku tilmaamay niman arxan daran, balse kama uusan quusan inuu fariintaan u diro, wuxuu tusaale u soo qaatay habdhaqanka rag uu ku jiro Mahad Karataay oo dhowaan ka soo muuqday warbaahinta.

“Al-Shabaab dabcan waa dad Soomaali ah, oo ka dhashay umadaan dhibaateysan, waxay sheegtaan inay shareecada islaamka wax ku raadinayaan, fariinteyda hala gaarsiiyo, waxaan arkayey rag uu ku jiro Mahad Karataay oo umadaan baahan u soo bandhigaya iyagoo Jilib hilib isaga cunaya,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wuxuu Fiqi carabkiisa ku adkeeyey in Al-Shabaab ay ogolaadaan dalabkaan, isla markaana aysan damaacin, kana wareegaan deeqaha loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka ay abaartu ku heyso deegaanada ay maamusho kooxdaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inay wada gaarto deeqda aan ugu tala galnay, sanadkaana waxaa la ogaa doonaa in ragaasi ay yihiin dhiigyo-cab dadku markey wax heystaan ka dhaca, markii ay gaajoonayaana ku fiirsada,” ayuu yiri Fiqi oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/OQE-ppy_vvM?t=4