25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo: Fiqi oo ka jawaabay eedeynta ‘Xisbiga Kacaanka’

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyey xafladda furitaanka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hogaaminayo, isagoo farriin u diray siyaasiyiinta aan ku jirin xisbigaan.

Wasiir Fiqi ayaa ugu horeynba ka jawaabay eedeynta ah in hadda dib loo aas-aasayo xisbi lamid ah kii dowladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, waa xisbigii ‘Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed’ wuxuuna sheegay in xisbigaas ay uga duwan yihiin dimuqoraadiyadda, isla markaana ay ogolyihiin in axsaab kale la dhisto doorasho xor ahna la galo.

Fiqi ayaa siyaasiyiinta aan ku jirin xisbigaan ku eedeeyey inay doorasho diid yihiin oo iyaga lagu tilmaami karo xisbigii kacaanka, isagoo ugu baaqay inay axsaab dhistaan oo doorashooyinka ka qeyb galaan.

“Ayagaa wada xisbigii hanti wadaagga, kuwo aan xisbi oo dhan ogoleyna waa jiraan oo Al-Shabaab wata, marka hadafka guud waa doorasho qof iyo cod ah iyo nidaam xisbiyo badan oo doorasho lagu geli karo,” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan ku dhexjiri karin laba afduub dhexdooda, oo kala ah: kuwo khawaarijta u afduuban iyo kuwa siyaasiyiin ay isku dayaan in ka hor istaagaan xaqooda dastuuriga ah in ay helaan oo codkooda ku ciil baxaan.

“Dalku 56 sano kadib waxaa laga tallaabsiinayaa nidaamkii doorasho ee iska daba-wareegga ahaa, is-addoonsiga ahaa, is-daba-marinta, musuqa, dad kooban talada ay lahaayeen iyo tayo xumada la saaxiibka ahaa, waxaana loo tallaabayaa nidaam dadweynuhu go’aanka madaxdooda iyo kuwa matalaya ay dooranayaan leeyihiin qaab ku salaysan xisbiyo aragtidooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed soo bandhigaya,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Ururka Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka uu ka mid yahay xisbiyada dalka ayna ku midaysan madax iyo siyaasiyiin miisaan culus leh, isagoo dadka ku dhiiri geliyey in axsaabta ay ku kala biiraan.

“Dadbaa nagu celinaya dhibaatooyinkii aan soo marnay, siyaasadda dalka waa la isku soo gumeystay, kuwa raba inay halkaan iyo meeshii aan soo marnay nagu sii haayaan allaha naga qabto, anagu waan diidnay,” ayuu yiri.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inay jiraan rag dowlado Carbeed lacag ka soo qaatay oo dalkaan dib u dhac la raba, “mana dooneyno kuwaas, balanteenu waa doorasho ay shacabku codeynayaan,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News