25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo: Gaas oo difaacay hay’ad kirishtan ah oo arrimo yaab leh ka wadda magaalada Garoowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa ka jawaabay qoraal dhawaan warbaahinta ay baahisay oo lagu sheegay in hayada World Vission dooneyso shaqaalo u go’day diinka Karishtanka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wax culees ah aysan aheyn in hayadaasi ay ku xayaysiiyo barteeda internet-ka iney u baahan tahay shaqaalahaasi oo kale, isaga oo sheegay in shaqaalo cadaan iyo ajaaniib ahba ay ku sugan yihiin magaalada Garowe.

C/welli Gaas wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada ay ka shaqeystaan kuwo u dhashay dalalka Kenya  iyo Uganda kuwaasi oo ka shaqeysta magaalada ayna la mid yihiin dadka hayada u shaqeynaya.

Wuxuu kaliya sheegay ineysan wanaagsaneyn in qof Soomaali ah oo qaatay diintaasi uusan ka shaqeyn karin magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News