Daawo: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war cusub kasoo saaray maqaamka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta khudbad kooban ka jeediyey kulan ay yeesheen Golaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maqaamka gobolka Banaadir.

Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in Aqalka Sare uu ka kooban yahay 54 Senator, balse ay ka maqan tahay metaaladda Muqdisho oo uu tilmaamay inay tahay mid muhiim ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in la caddeeyo maqaamka magaalada Muqdisho, si ay xubno ugu yeelato Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Aqalkani wuxuu ka kooban yahay 54 xubnood tiradaasi ma’aha tiro sidaasi ahaaneyso gobolka Banaadir oo muhiim ah ayaa ka maqan oo ay tahay tiro inay kasoo gasho oo weliba labada Aqal ay tahay lagama maarmaan qodobka 9-aad ee dastuurka, sida uu leeyahay in maqaamkii caasimadda labada Aqal ay soo sameeyaan,” ayuu yiri Xaashi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Taa micnaheedu waxaa weeye xubno ayuu ku yeelanayaa gobolka Banaadir Aqalka Sare, laakiin hadda waa 54 xubnood inta dhisan,”.

Horey baarlamaanka Soomaaliya ayaa u meel-mariyey in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Golaha Aqalka Sare, waxaana kadib saxiixay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), balse go’aankaas ayaanan dhaqan-gelin, kadib doodo xoogan oo hareeyey doorashooyinkii soo dhammaaday 15-kii bishii hore ee May.

Si kastaba, maqaamka magaalada Muqdisho oo muddo ah la’isku hayey ayaan weli cadeyn, iyadoo haatan ay soo dhammaatay doorashadii Soomaaliya ee muddada dheer soo socotay.