27.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Daawo: Hooyo Fartuun Axmed Nuur oo lagu dhex-dilay gurigeeda + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa fal dil ah oo maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, waxaana loo gaystay Hooyo Soomaaliyeed oo korineysay lix carruur ah.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Fartuun Axmed Nuur ayaa waxaa la sheegay in hoygeeda ay ku weerareeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee Ceelasha Biyaha, kadibna halkaasi ku dilay marxuumadda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay tageen xaafadda Jabad-geelle, iyaga oo ujeedkooda ahaa inay burburin ka sameeyaan halkaasi, kadibna waxay isku dhaceen dadka deegaanka, taas oo keentay in ay rasaas furaan waxaana ku dhimatay Hooyo Fartuun.

Cali Axmed Nuur oo la dhashay haweeneyda la dilay aya sheegay in gurigeeda loogu tegay, kadibna la burburiyay, iyadiina la dilay.

“Halkan waxaa ka sheegayaa in walaashey si xaq-darro ah loogu yimid gurigeeda oo looga dumiyay kadibna lagu dhex-dilay waxaana lasoo weeraray iyada, odeygeeda iyo carruurteeda” ayuu yiri Cali Axmed Nuur.

Sidoo kale seyga marxuumadda oo la hadlay Shabelle Tv ayaa falkan ku eedeeyay nin lagu magacaabo Xasan Madoobe oo ka tirsan mas’uuliyiinta deegaanka Ceelasha Biyaha, isagoo tilmaamay in askarta wax dishay uu isagu hoggaaminayay, meeshana ay isaga dhaqaaqeen.

“Ninka ciidanka hoggaaminayay waxaa la yiraahdaa Xasan Madoobe markii ay guriga yimaadeen oo cagafta ay keeneen ayaan ku dhahnay war see waayey? markaas kadib ayuu xabad nagu soo bilaabay waxayna xabadda ku dhacday xaaskeyga, wayna iga dhimatay” ayuu yiri Seyga marxuumadda.

Ehellada ayaa sidoo kale maydka gabadha keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in aan la aasi doonaan, inta ay ka helayaan cadaalad, lagana soo qabanayo askartii ka dambeysay falka lagu khaariyay marxuumadda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Ceelasha Biyaha iyo laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi argagaxa ku reebtay dadka deegaanka

- Advertisement -

Read more

Local News