Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo maanta ciidamo kula hadlaayay degmada Belexaawo ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ammaanka ee degmadaasi, kadib markii ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo loo gaystay dad kala duwan.
Janan ayaa dhacdooyinkii u dambeeyay ku eedeeyay ciidanka Jubaland ee u firxaday dhinca Kenya, wuxuuna sheegay inay soo daba maraan ciidamada dowladda, kadib dilal qorsheysan iyo dhac ay ka gaystaan Beledxaawo.
Taliyaha ayaa ku hanjabay in maanta kadib ay ka hortagi doonaan wax kasta oo liddi ku ah amniga, ayna iska dhicin doonaan ciidamada Jubaland.
“Wallaahi inaan la aqbaleyn in ciidanka Jubaland intay soo baxaan oo Beled-xaawo yimaadaan ay dad ku dilaan, hadana la yiraahdo ciidanka Dowladda ayaa dilay” ayuu yiri Taliyaha NISA ee gobolka Gedo.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Qorayga aan aragno oo aan ahayn kan dowladda waa qabaneynaa shacab ha wato ama meel kale haka yimaado amaba Shabaab ha lahaado”.
Cabdirashiid ayaa farriin u diray ciidamada Jubaland ee ku sugan xadka Kenya, wuxuuna ugu baaqay inay nabadda qaataan ayna kusoo noqdaan guryahooda.
“Raggaas askar iyo shacab waxa meesha joogo inaan heshiino ayaan diyaar u nahay Shabaabna ma aha waa dadkiinii oo siyaasad qaldan lagu hagay kasoo noqda shacabkiinana u tura guryihiinana imaada” ayuu mar kale yiri Janan.
Xaaladda ammaan ee Belexaawo ayaa maalmahan xumeyd, waxaana ka dhacayay dilal qorsheysan iyo dhac loo gaysanayay shacabka degmadaasi.

