Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad-sugidda gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledxaawo ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidamada Jubbaland ee u firxaday gudaha dalka Kenya.
Janan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ay dhibaato horleh u horseedeen shacabka ku dhaqan xadka labada dal, isla markaana ay bilaabeen qorshe halis ah oo uu tilmaamay inay isaga horkeenayaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Ugu horreyn taliyaha ayaa sheegay in ciidamadan oo dhuumaaleysi kusoo baxay ay dhac ka bilaabeen deegaanka, isla markaana saddexdii habeen u dambeysay ay dhaceen shacab.
“Magaaladan cabasho ayaa ka timid saddexdii habeen ee lasoo dhaafay ribootka nasoo gaaray waxaan ku xaqiijinay shacab la baartay oo xaafadahooda loo dhacay oo moobeelo laga qaatay raadkii marka la qaaday wuxuu galay ciidamadaas degan biibi one, waa la yaab in askari dalkiisii qaribay oo cararay oo dal kale dhex joogo oo haddane intuu dib ugu soo noqdo uu shacabkii baarto waa caqabad dheeraad ah” ayuu yiri Taliye Cabdirashiid Janan.
Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in ay rasaas ku fureen xerada ay dagan yihiin ciidanka Kenya iyo dhanka ay joogaan ciidanka dowladda, ayna kadib ku laabteen xeradooda, balse waxa uu tilmaamay in raadkooda la xaqiijiyay, illaa ay ka galen xeradooda.
“Intaas kuma ekaan way soo baxeen xaduuda ayay yimaadeen waxay xabado dib ugu rideen ciidanka Kenya xabada kalena waxay usoo rideen dhanka ay joogaan ciidamadeenna arrintaas waa isku dhex mar ay daneynayeen iyo aqli aad u liito oo ah dowladda Kenya inay dowladda Soomaaliya ciidamadeeda soo xabadeeyeen ha aaminto ciidamada Kenya xabado hasoo rideen kadib sidaas la’isugu dhaco” ayuu mar kale yiri Cabdirashiid Xasan Nuur.
Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in ujeedkooda uu ahaa in dagaal ay ka dhex abuuraan labada dowladood ee dariska ah, basle Kenya ay dhankeeda qaaday tallaabadii ugu habooneyd, ayna ku ogaatay cidda ka dambeysay rasaasta lagu furay ciidankeeda.
“Isla xalay laamaha ammaanka Kenya waxay xaqiijiyeen raadkiibaa intay qaadeen bey xeradii ciidanka geeyeen iyo meeshii ay daganaayeen” ayuu sii raaciyay.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay saraakiisha amniga Kenya inay iska qabtaan ciidamadaas, ayna ka hortagaan dhibaatada ay ka wadaandalkaasi “Nin gurigiisa soo gubay inuu kaaga gubo sax maaha”. ayuu mar kale yiri Janan.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu meel xun gaaray khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, waxaana gabi ahaan burburay wada-hadalladii labada dhinac.

