25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Daawo: Lacago kaash ah oo laga dhoofiyo garoonka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo wariyay in laga dhoofiyo lacago kaash ah oo, iyada oo loo qaado dalka dibaddiisa, sida ay maanta shaacisay Senator Deeqo Xasan Xuseen oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Senatorada oo ka hadashay kulan ay maanta yeesheen xubnaha Aqalka Sare ayaa bannaanka keentay arrin culus oo la xiriirta lacago dollar ah oo iyada oo kaash ah laga qaado gudaha dalka, lagana dhoofiyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Deeqo Xasan Xuseen ayaa sheegtay in dhoofinta lacagahan uu ku lug leeyahay Banki Caalami ah oo lagu magacaabo Ziraat, kaas oo lagala leeyahay dalka Turkiga, waxayna tilmaamtay inuu la wareego lacaga kaashka, kadibna uu ka qaato dalka.

Sidoo kale Senatorada ayaa carabka ku dhufatay in arrintan tahay halis wayn oo kusoo socoto, ayna keeni doonto lacag la’aan ka dhacda dalka, maadaama ay sii dhamaaneyso lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo haddda meesha kasii baxeyso.

“Magaalada waxaa soo degay Bangiga Ziraat oo ay leeyihiin Turkiga lacagtii oo kaash ah ayaa dalka laga qaadaa, waana ogtihiin xittaa lacagtii Soomaaliga waa gabaabsi oo waxaa la la’yahay lacag lagu adeegto, marka haddii lacagtoo dollarka ahaan la dhoofiyo waxaa dhici doona in dalka laga waayaba lacag oo dhan” ayay tiri Senator Deeqo Xasan.

Waxaa kale oo arrintan wax ka waydiisay wasaaradda maaliyadda oo ay quseyso, waxayna su’aasheeda ku tiri “Madaama mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda ay nala fadhiyaan maxaa uga qorsheysan lacagtaasi kaashaka lagu qaadaayo”?

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka goojoog ahaa ayaa hadalka qaatay, wuxuuna qiray inay jirto in lacag kaash ah laga dhoofiyo garoonka Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay eegis ku sameynayaan.

Xaange ayaa sidoo kale xusay in baahi wayn ay ka jirto dirista lacagaha dibadda, isla markaana bangiyada gudaha aanu awood u lahayn nidaamka caalamiga ee dirista lacagaha.

“Arrinta Deeqo ka hadashay arrin jirta weeye, si hoose ayaan u eegi doonaa, laakiin waxaan rabaa inaan caddeeyo Soomaaliya ganacsigeedu wuxuu dhib wayn ku qabay lacagta dibadda loo dirayo oo bangiyadeenu ma lahan nidaamka ay bangiyada caalamiga ah lacaga ugu diraan” ayuu ku jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Annaga maadaama aanu nahay dal burburay, maadaama uu dib u socdo dolwad dhiskeenna waxaa culeys naga saaran yahay shuruudihii la rabay inay bangiyada nagula shaqeeyaan maba jiraan”.

- Advertisement -

Read more

Local News