Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud oo xalay ka qayb-gashay kulan ballaaran oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu jawaabtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed oo indhowaanahan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah dowladda ka waday caasimada.
Marwo Bilan ayaa si gaar ah uga falcelisay dhacdadii habeen hore ee Sheekh Shariif oo soo garab istaagay haweeney lagu magacaabo Fowsiyo oo la ilmeysay dhibaato ay sheegtay inay kasoo gaartay barakacinta ay ku sameysay dowladda, isaga oo sidoo kale lacag ugu deeqay.
Shariifka ayaa maamada oo sheegatay inay habaryar u tahay Madaxweyne Xasan Sheekh guddoonsiiyay lacag kun dollar ah, isaga oo sidoo kale u ballan qaaday lacagta ijaarka guriga oo joogta ah.
“Maamada waad arkeysiin shucuurta ayaa ka adkaatay, runtii dalkan dulmiga ka jira waxyar oo kamid ah waayay, xisbiga waxa uu go’aansaday familkan inuu ugu deeqo kun dollar, gabadha waxbarashadeedana uu ku bixiyo kun dollar 150 joogta ah oo ijaarka ahna bixiyo” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd.
Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waa lagu garab taagan yahay kaligaa maahid xuquuqdaadana waa lasoo dhicinaa, Insha allah”.
Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir oo soo jawaabtay ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in Madaxweyne hore Sheekh Shariif uu hab siiyo haweeney ajnabi ka ah oo haddane la qabo, sida ay hadaka u dhigtay.
“Waxaad arkeysaa gabar uu odeygeedii dhalada ka fiirsanaayo oo nin raba in waddankani uu Madaxweyne ka noqdo xagga Diintana aan leeyahay waa uu dhow yahay inuu xabadkiisa ku hurdisiinaayo Diinta Islaamka waxa ay ka qabto waa garaneysaan in gabar ajnabi kaa ah in xabadkaaga ku hurdisiiso” ayay tiri Marwo Bilan Bile Maxamuud.
Sidoo kale wixii sii raaciyay “Waad garaneysaa oo maanta jaahilnimo kuuma gaynin wallee siyaasaddu dadka way dardartaa aqoonta iyo cilmigana way dhaafsiisaa Becouse markaan arkay laba qofood oo ajnabi kala ah ee xabadka isku hurdisiinaayo waa wax aad looga xumaado”.
Bilan Bile Maxamuud oo hadalkeeda sii wadata ayaa sidoo kale sheegtay in dalkan lagu soo duulay, isla markaana siyaasadda laga raadinayo haweenka, si looga faa’iideysto.
“Waddankan waaa laga soo duulay marba haddii haweenkii laga dhex kalluumeysanaayo oo la rabo in haweenkii siyaasad lagu gaaro waddankan annaga ayaa daggan oo malihin Baasaboor ajnabi ah” ayay mar kale tiri xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.