25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Daawo: Geelle oo si heer sare ah u qaabilay Qoor-Qoor

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa waxaa maanta si heer sare ah u qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada dalkaasi ayaa labada madaxweyne uga wada-hadleen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kor u qaadista xiriirka labada dhinac.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale diirada saaray dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo howl-gallada xoreynta Soomaaliya, maadaama ay Jabuuti qeyb ka tahay dalalka ciidamadoodu nabad ilaalinta u joogaan dalka.

Madaxweynaha Qoor-Qoor ayaa uga mahad-celiyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, dadaalka uu ku bixinayo dhismaha dowladdnimada Soomaaliya iyo garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Galmudug.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Maraxweyne Qoor-Qoor iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo uu gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabbuuti, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweyne Geelle.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, ayada oo kaalin weyn ka soo qaadatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya kadib bur-burkii dalka, waxay sidoo kale qeyb ka tahay howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News