Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Boqolka maalmood ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Banaanbaxa ayaa ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee Degmada C/casiis, waxaana ka qeybgalay inkabadan 4,000 oo shacab ah oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee DF.
Madaxweyne Maxmaed Cabdullaahi ayaa jeediyey khudbad gaareysa 20 daqiiqo, oo ahaa mid qiireysan oo uu uga hadlaayay xaalada dalka iyo waxyaabaha u qabsoomay mudada 100-ka maalin ee uu xilka hayay.
Madaxweynaha ayaa ka hadley in uu ku taagan yahay fulinta wixii uu ballan qaadey markii uu doorashada ku jirey, sida la dagaalanka musuq-maasuqa, xasilinta dalka, caddaaladda iyo hormarinta dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku guuleystay fulinta balan-qaadyadii uu qaaday, isla markaana uu ka dhabeeyay sida uu yiri.