Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeeyay kulamo ay horay u yeesheen isaga iyo Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo bishii October ee 2023-kii ku biiray kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.
Shuute ayaa sheegay in Abwaan Nageeye ay ku kulmeen gurigiisa, isaga oo markaas raadinayay xildhibaannimo, isla markaana ay wada shaaxeen, kadibna ay sheekeysteen.
Guddoomiyaha ayaa xusay in uu xilligaas kala hadlayay arrinta doorashada iyo damacsiisa xildhibaannimo, waxaana la socday sida uu sheegay nin kale oo ay Shuute saaxibo yihiin.
“Abwaan Nageeye laba jeer aniga saaxibkey ayaa i keenay Jimco ayaan isla qaxweynay laba Jimco oo isku dhow ayuu i yimid isaga oo raadinaayo xildhibaan” ayuu yiri Shuute.
Xasan Cali Nuur (Shuute) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Nageeye Cali Khaliif markii uu waayay xildhibaannimada uu raadiyay shaqo kale, kadibna maalmo yar uu usii wareegay dhanka kooxda Al-Shabaab oo uu haatan ka tirsan yahay Abwaanka.
“Ninka markii uu waayay xildhibaanka oo gabar ay ka qaadatay wuxuu aaday soo jeedka, waana cararay. Xildhibaan ayuu raadinaayay haddii uu heli lahaa wuxuu noqon lahaa dadka dowladda dhisa, laakiin ma dhicin” ayuu sii raaciyay.
Dhinaca kale, wuxuu farriin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay xoojiyaan dowladnimada, ayna taageeraan horumarrada waa wayn ee ka scoda dalka.
“Talada aan jeedineyno waa waxaayay dhalinyarow dowladnimada inaad xoojisaan amniga, cadaaladda, iyo hormarka” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada.

