25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Daawo: Milkiilaha DAHABSHIIL oo 50 dhaar ku maray in fannaanaddii Saado Cali Warsame…!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Kulan is dhaaris ahaa oo si balaaran ay uga soo qeyb galeen labada beelood Dhulbahante iyo Isaaq oo ay kasoo kala jeedaan Allaha u naxariistee marxuumad Saado Cali Warsame iyo Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil Group Maxamed Saciid Ducaale ayaa ka dhacay Magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu dhaariyo mulkiilaha Shirkada Dahabshiil oo la marsiiyay 50 dhaaraad, kitaabkana gacanta loo saaray, kadib markii lagu eedeeyay dilkii dilkii Fanaanadii Caanka ahayd ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame oo lagu diley Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay kana hadlay odayaasha labadda Beelood.

Mulkiilaha Shirkada Dahabshiil waxaa dhaarta la maray odayaal ay isku beel yihiin, waxaana dhaartaasi qaatay oo ku qanciyay beesha Saado Cali Warsame. Rashiid Cali Warsame ayaa goobta ka sheegay in cuqdadii ku jirtay ay ka baxday, ayna ku qanceen.

Saxaafadda shirka ka qeyb gashay ayaa loo diiday inay wax sawir ah ka qaadaan milkiilaha Dahabshiil shaqsi ahaan iyo xiligii uu dhaarta marayay midna, taasoo ahayd dalab isaga ka yimid oo uu diiday in sawirkiisa la adeegsado.

- Advertisement -

Read more

Local News