26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Madaxda mucaaradka oo shaaciyay sababta ay u tageen saldhiga Warta Nabadda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Hotel Jazeera ayaa sheegay in saldhiga Warta Nabadda u tageen si ay usoo damiintan shacab ay dhibaato u geysteen ciidanka booliska oo lagu xiray saldhigaasi.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ehellada dadka la dhibaateeyay ay ka codsadeen inay garab istaag u muujiyaan, sidaas darteedna ay saldhiga u tageen inay soo wadaan odeyga waayeelka ah ee maanta lagu jirdilay xaafadda Siinaay, si isbitaal loo geeyo.

“Ehellada dadkii la dhibaateeyay ayaa noo yimid oo nagu dhahay na garab istaaga, nala soo damiinta dadka dhaawaca ah, weliba odayga waayeelka cuduro badan uu qabay, oo isbitaal nala geeya ayey na dhaheen,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa caddeeyay in Taliska booliska ay kusii wargeliyeen tagitaankooda, si ay usoo damiintan dadka loo xiray arrimaha dhulka danta guud, balse ay kala kulmeen in xabad loogu jawaabo.

“Waxaa dhahnay in dadka booqano ayaa rabnaa, irida saldhiga ayuu xirtay, ciidankiisana wuxuu amray inay xabado ridaan. Xabadaha markii hore kor ayay u dhacayeen, anaga dan kama gelin maadaama ujeedadii aan u soconay oo damiinta aheyd naloo diiday, waxaan go’aansanay in shir jaraa’id ku qabano saldhiga hortiisa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Warsame oo xusay in aysan u socon arrimo siyaasadeed ayaa sheegay in ciidanku xabad ku bilaabeen iyagoo ku guda jira shirkooda jaraa’id, kadib markii ay kasoo tageen saldhigana ay ka daba yimaadeen, iyagoo xabado la dhacay gawaaridii ay wateen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, sida uu sheegay.

“Ciidankeenna waxaa farnay in aysan ka jawaabin laakiin xabada waa sii socotay. Waan kasoo tagtay saldhiga, waxaan isku daynay in shirka jaraa’id ku qabano halkii dadka laga barakiciyay oo odeyga waayeelka ah maanta lagu jirdilaayay, way nooga daba yimaadeen oo markale ayay na xabadeeyeen,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa ayaandarro ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu shir uga qeyb-galo New York, isagoo metalaya magaca Soomaaliyeed, isla markaana suuqa Siinaay lagu xabadeeyo ehellada dadkii maanta la jirdilay iyo mas’uuliyiintii xilka uga horreeyay.

“Taliyaha gobolka Banaadir ee la yiraahdo Macalin Mahdi uu mission-kaasna mas’uuliyadiisa uu leeyahay,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Iska hor imaadka maanta dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo mucaaradka sheegeen in si bareer ah loo waxyeelleeyay.

Taliska ciidanka booliska ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka mucaaradka ay jabiyeen xeerkii xakameynta hubka ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in isku dhaca uu yimid kadib markii ciidamada mucaaradka oo watay hub culus, oo aan soo wargelin taliska ay isku dayeen inay xoog uga gudbaan irida saldhiga, kaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News