Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Soomaaliya oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada magaalada Muqdisho ayaa si adag ugu soo jawaabay wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo horay ugu qaaday weerar culus oo dhanka afka ah.
Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan siyaasiyiin ay ka soo dhex-hadlaan Shabaab, kuwaas oo uu uga digay buunbuuninta cadowga iyo danaha guracan ee dhiigga shacabka ay ka dhex raadinayaan.
“Fariinteydu waxay tahay Khawaarij ama afkeeda haku hadasho ama afka qaar kamid ah siyaasiyiinteena ha soo fuulaane, waa laga xoreynayaa dalkaan, wax kasta waqti ayey ku xiran yihiin, laakiin maanta waxay joogaan in dalkii oo dhan ista isku soo gurmadaan ay hal tuulo qabsa waayaan,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu mucaaradka dowladda dhexe ku duray arrimaha dagaalka isagoo yiri, “Dagaalka Khawaarijta wax la isku naceyn karo oo siyaasad laga dhex raadi karo maaha, ciiddii siyaasad ka dhex raadisa waxay weysay aragti siyaasadeed oo suuqa ay la timaado.”
Intaas kadib waxaa soo jawaabay mucaaradka, waxaana u hadlay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo qayb ka ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in hadalka Fiqi aanu waxba u dhimeynin, uuna yahay nin xitaa aan u rooneyn dowladda uu ka tirsan yahay.
Jeesow ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu ka cabsi qabo in Fiqi uu la dago wasaaradda la geeyay ee gaashaandhigga oo haatan hormuud u ah dagaalka ka socda gudaha dalka.
“Wasiir Fiqi ma ahan nin muxaafadkana ku roon mucaaradkana ku roon ciidi uu la jirana ceeb ayuu u keenayaa, waa ninkii isagoo mucaarad ah lahaa 1991-kii ayaa loo laabanayaa waan ognahay waddooyinka ayuu taagnaay” ayuu ku jawaabay Daahir Amiin Jeesoow.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Maanta waxaan ka sugeynaa kaliya in wasaaraddii gaashaandhigga uu soo xiro ninkaas oo uu gebi ahaan baabiiyo”.
Inta badan madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa hadallo kul-kulul hawada isku mariya, kuwaas oo sii hurinaya xiisadda u dhexeysa labada dhinac.