Daawo: Muuqaalka Barre Hiiraale oo la helay muddo kadib isagoo booqday…

Kismaayo (Caasimada Online) – Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, oo weli sheegta inuu yahay madaxweynaha Juntland, ayaa markii ugu horeysay muuqaalkiisa la helay, tan iyo markii dhowr bilood ka hor laga saaray magaalada Kismaayo, kadib dagaal uu la galay Axmed Madoobe.

Hiiraale oo xiliyadii u danbeeysay ku suganaa deegaanka Goobweeyn, ayaa waxa uu kormeer ku tagay dhul beereedka deegaanadaasi, halkaasi oo sawiro looga soo qaaday uu baahiyey website-ka rajonews.

Col. Barre, ayaa waxa uu la kulmay qaar kamid ah beeralayda deegaanka.

Barre ayaa la arkayay isaga oo cabitaanka qumbaha ka qaadanaya Wiilyar oo kamid ah beeralayda waxa uuna ku amaanay habka ay u jecelyihiin wax soo saarka.

Waxaa xusid mudan inaanay sawirrada ka muuqan wax ciidan ah oo la socda Barre Hiiraale, mana cadda haddii uu go’aansaday inaan ciidankiisa la sawirin iyo haddii xaalka si kale yahay

Halkan Hoose ka daawo sawirrada

hiiraale 1hiiraale 2hiiraale 3hiiraale 4hiiraale 5

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com