26.2 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Daawo: Muxuu Xasan Sheekh kusoo arkay xarumaha iyo warshadaha uu booqday?

Bookmark
Bookmarked

Share

Aljeris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinti labaad ku sugan dalka Aljeeriya ayaa booqday Masaajidka weyn ee Jaamaca Aljeeriya.

Madaxweynaha ayaa halkaas wuxuu kula kulmay culimada dalkaas oo guddoonsiiyey xasuus reeb ku aaddan booqashada Madaxweynaha, iyagoo la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan fikirka argagixisadu ay ku bannaysanayaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Warshadda Daawooyinka dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah ayaa warbixino ku saabsan wax soo saarka iyo adeegyada xarummahan waxa uu ka dhegeystay maamulka iyo agaasinkooda.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taallada Shuhadada dalka Aljeeriya oo lagu xasuusto halyeeyadii u nafwaayey halgankii xornimada iyo difaaca dalkaas.

Xasan Sheekh ayaa muujiyey taariikhda halgan-wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka mid ahaa dalalkii ka wada shaqeeyey xornimadii Afrika.

Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa Talaadadii kala saxiixday 4 heshiis oo muhiim ah, kuwaas oo dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyadan, oo ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka ee labada dowladood.

Heshiisyada la gaaray ayaa waxaa ka mid ah dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Sidoo kale, heshiisyadan ayaa dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

Si kastaba, xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News