25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Daawo: Odowaa oo askar toogasho u xiran hortooda digniin adag ku siiyey ciidanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Janaale (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta goobjoog ahaa fagaare lagu toogtay labo askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga, kuwaas oo xiriir hoose la yeeshay Al-Shabaab, kadibna dilay Taliyahoodii.

Toogashadaas waxay maanta ka dhacday furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna Taliyaha Xoogga dalkaas ka diray digniin culus oo ay ku wanaa qaada karaan askarta mararka qaar xiriirka hoose la sameysata argagixisada.

“Qof kasta oo qarankiisa qiyaama, darajadii uu doono ha lahaadee, fagaaraha cadaaladda ayaa la geyn doonaa, sida kuwaan oo kale,” ayuu yiri Taliye Odowaa oo hortaagnaa Ciidan lagu feyliyey fagaarihii toogashada iyo labadii nin oo tiirka toogashada ku xiran.

Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad koofi) oo ka tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga, ayaa halkaas lagu toogtay maanta.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ragaas ku heshay inay sariirtiisa jiifka qarax miino ugu xireen Abaanduulihii Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Dhamme Ceydiid Maxamed Cali.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Liibaan Cali Yarow, ayaa ku sugnaa fagaaraha toogashada, isagoo dhankiisa digniin u diray askarta loogu yeero ‘labo kaarlayaasha’ ee si hoose ula shaqeeya Al-Shabaab.

Taliye Odowaa Yuusuf ayaa sheegay inay soo daahday in la toogto oo tiirka la geeyo kuwa la shaqeeya Al-Shabaab ee ka tirsan Ciidamada Qaranka, balse maanta kadib ay sidaan ku soca doonto oo deg deg loo tooga doono qofkii qarankiisa qiyaama.

“Qof kasta oo umadiisa qiyaama ceebtiisa ilaahey ayaa banaanka keeni doona, halkaan ayuuna ku dambey doonaa, sidaan ayaa loo tooga doonaa,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo goobjoog ahaa fagaarihii maanta lagu toogtay labada askari.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News