Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa soo saaray digniin ku aadan doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland oo dhawaan dhaceyso.
Prof Gaandi ayaa sheegay in shir ka dhacay magaalada Dhoobleey lagu ansixiyay in doorasho ay ka dhacdo Jubbaland, islamarkaana waqtiga doorashada loo qorsheeyay aanan maalin lagu darin.
Sidoo kale wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto doorashada madaxweynaha Jubbaland inay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, balse ay muhiim tahay in laga fogaado waxyaabaha qaar.
Prof Gaandi ayaa sheegay inuu ka digayo in faragelin gudaha iyo dibadda ah lagu sameeyo doorashada madaxtinimada Jubbaland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Kismaayo.
“Doorashada ma dhaceysaa mase ma dhaceyso waa laga soo gudbay wey dhaceysaa doorashada, balse waxaa loo baahan yahay inaan la faragelin doorashada, walaa banaan walaa inaga oo gudaha ah, anagana waa inaan faragelin banaankana waa inaan nalooga imaan, oo waxba naloo yeerin”ayuu yiri Prof Gaandi.
Jubbaland ayuu sheegay inay tahay deegaanada kaliya ee sida rasmiga ah looga dhaqan geliyay nidaamka qabaliga ee 4.5, taasi oo uu sheegay in isaga uu kamid yahay dadkii ka shaqeeyay.
Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
[email protected]