Daawo: Prof. SAMATAR oo shaaciyey mowqif uu R/W Rooble ka qaatay kiiska Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Senatorrada dooran ee Aqalka Sare ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto wado xaaraan ah, markii la fiiriyo hanaanka loo maamulayo doorashada dalka, waxuuna ku taliyey in dalka laga badbaadiyo wadadaan qaldan.

Waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uusan doorashada ku wadin wadadii saxda aheyd ee loo baahnaa, isla markaana taladu ay ka wareersan tahay, “Waliba far-weyn ayaa ra’iisul wasaaraha ku godan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Prof. Samatar ayaa sheegay in Rooble bilihii ugu horeeyey markii xilka loo dhiibay uu daacad u ahaa Farmaajo, balse markii laga badbaaday mudo kororsiga uu ka baxay gacabtiisa, laakiin hadda halkii hore uu ku laabtay.

Waxa uu ku tilmaamay nin markii hore aan faham badan ka heysan siyaasadda Soomaaliya, haatana aan heysan la-taliyaal fiican, isagoo kula taliyey in afar ilaa shan qof oo aqoon u leh xaaladaan uu xeyndaab ka dhigto, si ay uga joojiyaan wixii xaaraan ah, wixii xalaal ahna ay ugu hagaan.

Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka laabtay go’aankiisii ahaa in baaritaan dhab ah uu maro kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaal ka tirsan NISA oo nolol iyo geeri lagu waayey.

“Waxaa cad oo uusan shaki ku jirin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka laabtay in la baaro kiiska gabadhaas la dilay, taasina waxay muujineysaa heshiiska u dhaxeeya isaga iyo wadaadka buurta saaran, inuu si weyn u saameeyey kiiskaan oo weliba inta banaanka la soo istaagay la yiri waxaba waa lagu waayey ragii laga shakisnaa, wax la filanaayey maaha,” ayuu yiri Prof. Cabdi Samatar.

Cabdi Samatar ayaa sheegay in markii la fiiriyo dhab-dhaqanka R/Wasaare Rooble iyo sida uu meeshiisii hore ugu laabtay ay muujineyso in markii horaba uusan qaranka daacad u aheyn, balse ninkii keensaday oo kaliya uu daacad u ahaa.

Sidoo kale Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in doorashadii golaha shacabka ee gobollada waqooyi ee Muqdisho ka dhacday aysan aheyn mid xalaal ah, isagoo tusaale u soo qaatay qofkii Mahdi Guuleed la tartamayey oo ilaa hadda la garan la’yahay qof uu ahaa.

“Hadda sida ay wax u socdaan walwal weyn ayey leedahay, waxaan ilaahey ka baryaan in Soomaaliya qiblada toosan uu u jeediyo afartaan sano, hadda siyaasadda Soomaaliya qiblo qaloocan oo xaaraan ah ayey ku sii jeedaa,” ayuu yiri Prof. Samatar.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda kadib ay xoogga saarayaan in aan la boobin oo si xalaal ah loo soo doorto kuraasta reer waqooyiga ee hartay.

“Waa xaaraan in Ra’iisul wasaaruhu yiraahdo anigaa xukuma doorashada reer waqooyiga, gumeysi kuma jirno, dad is xukuma ayaan nahay, mas’uuliyadda dalka oo dhan ayaa saaran Rooble, laakiin anaga hanoo daayo saamigeena anagaa maamulaneyna,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey Goobjoog TV