26.3 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Daawo: Qarax culus oo goor dhow ka dhacay agagaarka Madaxtooyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay aagga xaafadaha ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka Godka Jilacow oo ku yaalla afaafka hore ee Madaxtooyada, gaar ahaan dhinaca Taalada Daljirka Daahsoon. Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa ismiidaamin, isla markaana lala beegsaday bar-koontarool oo laga ilaaliyo amniga xarunta Villa Soomaaliya.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo uuro is qabsaday hawada sare iyo xaalad deg deg ah oo ka taagan meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale isku geedaamay goobta la beegsaday oo ah meel aad loo ilaaliyo amnigeeda, waxaana soconayo gurmad deg-deg ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la furay illaa 52 waddo oo horay loogu xiray sababo amni dartood,  waxaana ujeedka lagu sheegay fududeynta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Furista waddooyinka ayaa timid kadib markii ay dowladdu ku guuleysatay sugidda amniga Muqdisho oo xasilnaa bilihii lasoo dhaafay, kadib markii laga qabtay shaqo adag.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda lagu furay jidadka ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay inay hordhac yihiin jidad kale oo la furi doono maalmaha soo socda.

”Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada qaraxyada ah iyo dilalka qorsheysan ee ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net

- Advertisement -

Read more

Local News