25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Daawo: Rabshado ka dhacay magaalada Hargeysa oo sababay khasaare culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa faah-faahin dheeaad ah ka bixiyay dibad-bax rabshada watay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa, kaas oo sababay khasaare culus oo isugu jiro dhaawac badan iyo burbur xoogan.

Afhayeenka Booliska Somaliland oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in rabshaduhu ay si gaar ah uga dhaceen degmada Axmed Dhagax, isla markaana ay ku dhaawacmeen illlaa 10 askari iyo 3 qof oo shacab ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la boobay mehrado ganacsi, sidoo kalena la burburiyay gaadiid marayay waddada, taas oo keentay in xaalad adag ay dareemaan shacabka.

“Arrintii xalay ka dhacday degmada Axmed Dhagax waxaa ku dhaawacmay 10 askari oo Boolis ah iyo saddex qof oo shicib ah waxaa la boobay meherado ka agdhowaa halkaasi, waxaa la burburiyay gaadiid waddada marayay” ayuu yiri afhayeenka Booliska Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Dhacdadan laguma sheegi karo isku soo bax iyo mudaharaad cabasho ah midna, waxaana qaadi doonaa tallaabo deg-deg ah”.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa xusay in haatan ay wadaan baaris, isla markaana sharciga ay horgeyn doonaan ciddii ka dambeysay rabshadahaasi dhaliyay khasaaraha xooggan.

“Waxaa arrintii xalay dhacday mas’uuliyadeeda qaadan doonta ciddii arrintaas ka dambeysay, waxaana horgeyn doonaan hay’ada sharciga” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay in mar kale lasoo abaabulo rabshado noocaan oo kale ah oo halis gelin kara amniga iyo badqabka shacabka Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Hargeysa ayaa waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ay martigelisay xaalado culus oo ay kamid yihiin dilal siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha magaaladaas

- Advertisement -

Read more

Local News