Muqdisho (Caasimada Online) – Saameyn xoogleh ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo ay maanta iyo shalay qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo ay dareemeen shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa la xiriirta kadib markii dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada ammaanka ay xireen dhaq-dhaqaaqyo waddooyin muhiim u ah shacabka oo haatan u dabaal dagaya munaasabadda Ciidul-Adxaa oo maanta ay tahay maalinteeda labaad.
Waddooyinka la xiray ayaa ah kuwo ku yaalla aagga xeebta Liido, halkaas oo ay ciidamadu u diideen inay ka gudbaan gaadiidka iyo mootooyinka, waxaana loo ogolaaday dadka lugeynaya oo kaliya.
Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay dareenkooda iyo saameynta ay ku yeelatay in laga xiro waddooyinkaas, si ay u gaaraan xeebta Liido oo kamid ah meelaha sida wayn dalxiiska loogu tego.
“Maalin ciid ah waayay waddooyinka in la xirana aad ayaan uga xumahay waxaan soo lugeeyay dhowr kiilo mitir si aan usoo gaaro Liido, hadana waa lugeyn doonaa” ayay tiri gabar dhalinyaro ah oo kamid ah dadka u damaashaad tegay xeebta Liido
Sidoo kale, qaar kamid ah shacabka oo dareensan culeyska amni ee imaan kara ayaa boggaadiyay tallaabada hay’adaha amniga ee la xiriira sugidda amniga caasimada.
“Amniga ayaa la sugayaa dhibaato kale ma jirto, sababtana waxaa waayey yuuna qarax dhicin marka aniga waa ku faraxsanahay” ayuu yiri wiil kale oo dhalinyaro ah.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan leeyahay annaga ww u duqaadanay ee shacabow idinkana u dul-qaata”.
Ugu dambeyn shacabka ayaa dowladda ka codsaday in loo fududeeyo isku socodka waddooyinka muhiimka ah, maadaama ay carruur wataan, laguna jiro maalmaha ciidda.
“Waxaan ka codsaneynaa dowladda maadaama ay tahay maalmo farxadeed oo ciiddii lagu jiro inay waddooyinka noo furaan, isla markaana noo fasaxaan mootooyinka si aan ugu soo qaadano carruurteeda, uguna dalxiisaan dalkooda” ayuu yiri wiil kale oo ka yimid Daniile.

